Miyay Farxad Noqon Doontaa Mise Qalbi-Jab? Doorashada Soomaaliya 2026 oo Go’aamin Doonta Mustaqbalka Qaran"


Sanadka 2026, Soomaaliya waxay wajahaysaa doorasho kale oo madaxweynenimo, taasoo loo arko mid si weyn u saameyn doonta jihada dalka. Dad badan ayaa u arka doorashadan mid u dhaxaysa farxad iyo qalbi-jab – farxad haddii isbeddel dhab ah yimaado, iyo qalbi-jab haddii siyaasaddii hore dib loogu laabto.


Qaabka Doorashada Loo Galayo


Doorashada madaxweynuhu wali waxay ahaan doontaa mid dadban. Tani micnaheedu waa in shacabka si toos ah u dooran doonin madaxweynaha, balse waxaa codka dhiiban doona xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka. Xildhibaanadani waxaa la filayaa inay la yimaadaan aragti ka turjumaysa codka beelaha iyo gobollada ay matalaan – balse had iyo jeer su’aasha taagan waxay tahay: ma shacabka ayey metelaan mise dano gaar ah?


Cidda Shacabka Rabaan


Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin liiska murashaxiinta oo dhammeystiran, haddana waxaa muuqata in shacabka Soomaaliyeed ay rabaan hoggaan cusub, daacad ah, islamarkaana wax ka beddeli kara xaalada amni, dhaqaale, iyo nololeed ee dalka. Baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah, waxaa aad loogu xusayaa baahida loo qabo qof dhalinyaro ah ama siyaasiyiin cusub oo aan horay ugu milmin musuq iyo eex.


Xasan Sheekh: Booska uu kaga jiro Doorashada


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ilaa hadda ah mas'uul si dhow loogu fiirsanayo. Inkastoo uu si rasmi ah u caddeyn damaciisa labaad, hadana waxaa jira tilmaamo muujinaya inuu doonayo in mar kale tartamo. Dad badan ayaa qabta in uu wax badan qabtay muddadiisa, halka qaar kalena dhaleeceynayaan waxqabadkiisa oo ay u arkaan mid aan gaarsiisneyn halkii la rabay.


Haddii uu tartamo, Xasan Sheekh wuxuu wajihi doonaa tartan adag oo ka iman kara wejiyo cusub iyo siyaasiyiin waayo-aragnimo leh. Qofka shacabka dhab ahaan taageerayaan wali lama hubin, balse codka dadweynaha oo si weyn uga hadlaya baraha bulshada ayaa noqon doona mid saameyn leh, xitaa haddii aysan si toos ah u codeyn.


Gunaanad: Qalbi-Jab Mise Rajayn?


Doorashada Soomaaliya 2026 waa fursad. Waa mar kale oo qaran dhan loo dooranayo hogaamiye – mid ama u horseedi kara horumar, ama sii hurin kara niyad-jabka. Maaha oo kaliya tartan siyaasadeed, waa go’aan qaran. Su’aasha keliya ee harsan waa: shacabka ma codkooda ayaa la maqalayaa, mise waa la marsiin doonaa dariiq horey loo yaqaan?

Comments