Sanad kasta, imtixaanka fasalka 8aad wuxuu noqdaa mid muhiim u ah kumannaan arday Soomaaliyeed oo raba inay u gudbaan dugsiga sare. Sanadkan 2025, dadaalka iyo diyaar garowga waa lama huraan, maadaama imtixaanka si gaar ah loo diyaariyay, islamarkaana wax ka beddel lagu sameeyay qaybaha su’aalaha. Qormadan waxaad ka heli doontaa dulmar kooban oo ku saabsan murajacada maado kasta iyo mawduucyada laga shakisan yahay inay imtixaanka kasoo dhex muuqan doonaan.
1. Af-Soomaali:
Waxaa muhiim ah in ardaygu barto fahamka akhriska, qorista qoraallo curin ah, iyo eraybixinta la xiriirta maahmaahyada, gabayada, iyo weedho murtiyeed. Waxaa laga yaabaa in su’aalaha imtixaanku diiradda saaraan muhiimada waxbarashada iyo dhaqanka Soomaalida.
2. Xisaab:
Qaybaha looga baahanyahay waxaa ka mid ah xisaab fudud, algebra, geometry iyo masaafo xawaare. Waxaa la saadaalinayaa in imtixaanku diiradda saari doono xallinta dhibaatooyin ku saabsan lacag, waqtiga iyo xagasha.
3. Ingiriisi:
Waxyaabaha ugu muhiimsan waa vocabulary, grammar iyo reading comprehension. Waxaa laga yaabaa in ardayda lagu imtixaano qoraal sheeko yar ah ama warqad rasmi ah oo ay qoraan.
4. Saynis:
Ardaygu waa inuu barto qaybaha jirka, deegaanka, tamarta, iyo isbeddelka walxaha. Su’aalo badan ayaa la filayaa inay ka yimaadaan biology-ga sida nidaamka dheefshiidka iyo deegaanka dabiiciga ah.
5. Cilmiga Bulshada:
Waxyaabaha la filayo waxaa ka mid ah taariikhda haldoorka Soomaaliyeed, nidaamka dowladeed, iyo juquraafiyadda guud ee Soomaaliya. Waxaa suurtagal ah in la waydiiyo magaalooyin, gobollo iyo dowlad-dhisidda.
6. Diin:
Waa muhiim in la barto tiirarka Islaamka, qisooyinka Anbiyada iyo tafsiirka aayado Quraan ah. Waxaa suuragal ah in su’aalaha xoogga lagu saaro axkaamta salaadda iyo soonka.
Gabagabo:
Murajacada saxda ah iyo dadaalka joogtada ah waa furaha guusha. Ardayda waa inay waqtiga si wanaagsan u maareeyaan, akhriyaan buugaagta rasmiga ah, ayna la xiriiraan macalimiinta marka wax laga shakiyo. Imtixaanku waa tijaabo, balse dadaalku waa guusha dhabta ah.

Comments
Post a Comment